Laascaanood (HM) – Taliyaha Booliska gobolka Sool ee maamulka Soomaliland, Axmed Cabdullaahi Cabdi oo la hadlay warbaahinta ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyey howlgallo baadhitaano ah oo laamaha ammaanka ay ka sameeyeen Magaalada Laascaanood, kadib markii xalay lagu dilay Taliyihii Sirdoonka gobolkaasi eee maamulka Hargeysa Cabdiqani Guhaad.
Taliyaha qeybta Booliska ayaa sheegay in dilka marxuumka ay u soo qab qabteen illaa saddex qof oo lagu tuhmayo inay ku lug lahaayeen dhacdadaasi.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay in raggaasi ay ku wareejiyeen hay’adaha Garsoorka Somaliland, islamarkaana ay haatan ku socdaan baadhitaano dheeraad ah.
Cabdiqani Guhaad Taliyihii Sirdoonka Gobolka Sool ee Soomaliland ayaa Salaadii Cishaha kadib rag hubeysan waxa ay ku toogteen afaafka hore ee gurigiisa, kuwaas oo goobta isaga baxsaday falka kadib.
Taliyaha la dilay ayaa sida aan wararka ku helnay wuxuu gacanta ku hayey baadhista Qaraxii labo todobaad ka hor lagu khaarajiyey guddoomiyahii Maxkamada Gobolka Sool ee Soomaliland , Xasan Sheekh Maxamuud oo gaadhigiisa Qarax loogu xidhiya agagaarka Hotel Xamdi ee Koonfurta Magaalada xarunta u ah Gobolka Sool.
Maalmihii dambe waxa faraha ka sii baxayey amniga Magaalada Laascaanood, iyada oo aysan jirin howlgalo ka dhan ah falalka lidiga ku ah nabad-gelyada ee ka dhacayay magaaladaasi, Maamuulka Soomalilandna wax tallaabo ah ma aysan qaadin ilaa hadana ma jiraan cid ka hadashay dilka Gudoomiyaha Maxakamadda guud ahaan Maamulka Soomaliland oo 1okii sano ee Laascaanood gacanta ugu jirtay ay gacan aan la aqoon ku baxeen Haldoor badan iyo xubno u shaqeeyaa maamulka Soomalilnad.
Horufadhi News