Laascaanood (HM)-Magaalada Laascaanood wararka ka imaanaya waxaa ay sheegayaan in ay xiisad ka taagan tahay meydadka 2 ruux oo ay siyaabo kala duwan u dileen maleeshiyaadka Soomaliland ee Laascaanood ku sugan.
Allah ha u naxariistee Abdiraxmaan Cumar faarax “soomadoow” oo kamid ahaa dhalin yarada Magaalada Laascaanood oo ay dileen habeen hore ciiidanka Soomaliland ayaan weli la aasin kadib markii ay is afgaran waayeen odayaashii marxuumka iyo xubnaha maamulka Soomaliland u jooga Laascaanood ee uu ugu horeeyo Cabdiqani Maxamuud Jiidhe ninka la dhaho oo gudoomiye ugu magacaaban maamulka Hargeysa Laascaanood iyo Taliyaha maleeshiyaadka ee Gobalka Sool.
Kulan ay shalay yeesheen Odayaasha uu kasoo jeeday marxuunka la dilay iyo maamulka gobolka kan degmada Saraalkiil maleeshiyaadka ah ayaa laysku afgaran waayay. odayaasha ayaa ka dalbaday in lasoo xidho Ciidankii dilay marxuunka. Taliyaha qaybta ayaa sheegay in xabadaha Marxuunku ku dhintay ay rideen Ciidamo badan xiliguna ahaa goor habeen ah taasoo uu uga jeedo lama garanayo cidii dishay.
Sidoo kale marxuun Axmed cadaani maxamed cawl oo u dhintay dhaawac uu soo gaadhsiiyay mid kamid ah Maleeshiyaadka Soomaliland ee Laascaanood ku sugan ayaa Meydkiisa weli la,aasin wuxuuna ku jiraa Talaagad cusbitaalka weyn ee Magaalada ah.
Maleeshiyaadka Soomaliland ayaa habeenadan waxaa ay gudaha Laascaanood ka wadaan hawlgalo Dadka looga ururinayo Hubka taasi oo shacabku ku tilmaameem arin siyaasadaysan maadaama Maleeshiyaadka Laascaanood kaga sugan maamulka Hargeysa aysan qaadi karin ammaanka shacabka oo ay iyagii wadaan nabad galyo daro xoog leh iyo xasuuq shacab.
Intii maamulka Soomaaliland gacanta ku hayey Laascaanood waxaa dilal qorshaysan lagu dilay shacab kor udhaafaya 60 qof waxaana dhaawacyo halis ah loo gayste oo ka bad baaday isku day khaarajin tiro intaas ka badan ma jirto talaabo ay shacabku ku qancaan maamulka Soomaliland arrintan ka qaaday waana mid si joogta ah usoo laab laabata intii maamulkan haystay Laascaanood,arrinta is waydiinta leh ayaa ah in dadkaasi ay beegsanayaan xubnaha ka shaqeeya inta badan horumarka magaalada qaar kamid ah ganacsatada iyo dad kale oo masuuliyiin ah.
Horuadhi News