Laascaanood (HM)-Wararka ka imaanaya Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa sheegaya in Ciidamada Booliska maamulka Somaliland ay xidheen Hotel cusub oo dhawaan laga furay Magaalada xarunta u ah Gobolka Sool.
Ciidamada Somaliland ayaa xidhay saaka Hotelka cusub ee loo bixiyay magaca Peace Hotel xili ay gudaha Hotelka ka socotay munaasabad cusub oo lagu daah furayay Hotelkan oo dhawaan laga hirgaliyay Gudaha Magaalada Laascaanood.
Sida aan wararka ku helnay xidhitaanka Hotelkan cusub ayaa sabab looga dhigay Calanka Soomaaliya ee lagu dhajiyay afaafka hore ee Hotelka, waxaa sidoo kale Hotelka banaankiisa lagu xidhay calamo kale uu ku jiro midka maamulka Somaliland iyo kan Kenya.
Ciidamada maamulka Somaliland ayaa sidoo kale xidhay Wariye Cabdiraxmaan Olol oo HCTV ka tirsan kuna sugnaa wakhtigaas Hotelka munaasabada ka socotay, waxa ay sidoo kale ciidamada qalabka Warbaahinta ka aruuriyeen wariyaal kale oo Hotelka ku sugnaa, Magacyadooda dib ayaan kasoo sheegi doonaa.
Somaliland ayaa inta badan qaada talaabooyin aan loo meel dayin oo ay kaga soo horjeedo Calanka Buluuga ah ee Soomaaliya, iyada oo horena deeganadeeda ugu xidhay dad ku labistay dhar laga sameeyay calanka Soomaaliya iyo kuwo safar u aaday Xamar.
Maamulkan gooni isku taaga sheegta ayaa aad uga xumaada aragtida Calanka Soomaaliya sidoo kalena waxaa aad u dhibta maqalka Midnimada Soomaaliya, 1991-dii oo ah xiliga ay ku dhawaqeen inay ka goosteen Soomaaaliya ilaa haatan waxaa ay raadinayaan aqoonsi Beesha caalamka ah balse weli taas waxba kama soo naasa cadaan. marar kala duwan waxaa ay qaramadda Midoobay dusha u saartay eedaymo culus oo ku saabsan cabudhinta xuquuqda hadalka iyo baalmarista xaquuuqda aadanaha siiba garsoor xumada iyo joogtada xadhiga aan sharciga ahayn oo caadi ka ah deegaanada maamulkan.
Horufadhi News