WARARKA SOOMAALI

Kuraas ka tirsan Golaha Shacabka oo lagu doortay Garoowe iyo Dhuusamareeb

Guddiyada hirgelinta doorashooyinka Dowlad Goboleedyada Galmudug iyo Puntland ayaa Maanta waxaa ay min Saddex Xubnood doorasbooda ku qabteen Magaalooyinka Dhuusamareeb & Garoowe ee Xarumaha Gobolada Nugaal iyo Galgaduud.

Maamulka Galmudug ayaa Magaalada Dhuusamareeb ku qabtay doorashada Afar kamid ah Kuraasta Golaha Shacabka, kuwaas oo ay kusoo baxeen Xildhibaano horay ugu fadhiyay iyo kuwo ku cusub Siyaasadda.

Kursiga koowaad ee doorashadii Maanta ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb ee Hop 248 ayaa waxaa ku tartamay Saadaq Cumar Maxamed  Saadaq (Jorn) iyo Cabdullaahi Xirsi Diirshe, waxaase kursiga ku guuleystay Saadaq Cumar Maxamed oo helay 81 Cod.

Kursiga Hop064 ayaa waxaa ku tartamay Maxamed Ibraahim Cali ( Maxamed Cajiib) iyo Cabdullaahi Iimaan Afrax, balse waxaa kursiga ku guuleystay Maxamed Cajiib oo helay 98 cod, halka kursiga Hop096 ay ku guuleystay Qaali Ahmed Diiriye.

Dhinaca kale Magaalada Garoowe waxaa Maanta lagu qabtay doorashada Afar kamid ah kuraasta Golaha Shacabka, kuwaas oo kala ah. 1: Hop128 ayaa waxaa ku guuleystay Maxamed Cabdiraxman Xayle oo helay 96 Cod, kursiga HOP223 ayaa waxaa ku guulaystay Xirsi Jaamac Gaani oo ah Wasiiru dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Jubbaland oo helay 93 Cod,

3: Kursiga Hop232 ayaa waxaa ku guuleystay Fardowso Cismaan Cigaal oo heshay 97 Cod, halka 4: kursiga uu ku guulaystay Cabdiqafaar Cilmi Xaange.

Kuraas ka tirsan Golaha Shacabka oo lagu doortay Garoowe iyo Dhuusamareeb
To Top