WARARKA SOOMAALI

Kulan looga hadlay Arrimo muhiim ah oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

Kulan looga hadlayo xoojinta wada shaqeynta Garsoorka, Booliska iyo hirgalinta go’aanada ka soo baxa Maxkamadaha ayaa ka furmay magaalada Caasimadda ee Muqdisho.

Kulanka waxaa guddoominaya Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka waxaana ka qeyb galaya Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Taliyaha ciidanka Booliska, Taliyaha Qeybta guud ee Booliska gobolka Banaadir iyo masuuliyiin kale.

kulanka ayaa waxaa looga hadlayaa xoojinta xiriirka ka dhaxeeyo Hay’addaha Garsoorka iyo Amniga iyo sidii ay uga wada shaqeyn lahaayeen fulinta go’aanada kasoo baxo Maxkamadaha dalka.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Baashe Axmed Yuusuf ayaa Taliyeyaasha Booliska kula dardarmay xoojinta amniga Muqdisho, maadaama loo diyaar garoobayo doorashooyinka dalka ka dhacaya.

SOMALI NEWS

To Top