Magaalada Muqdisho ayaa waxaa kulan ku yeeshay ku-xgeenka Safiirka Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Richard Slack iyo xubno ka tirsan Guddiga doorashada heer Federaal oo ay magacaawday Xukuumadda Soomaaliya.
Kulankaan oo dhexmaray Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka lagu muransan yahay Maxamed Xasan Maxamed iyo Safiir ku-xigeenka Ingiriiska ayaa waxaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka gaar ahaan Arrimaha doorashada ee dalka ka dhacaya 2020/2021.
Sidoo kale labada Mas’uul ayaa sigaar ah uga hadlay howlaha hor yaalla Guddiga oo ay ugu weyn tahay qabashada doorasho oo loo dhan yahay iyo sida ay tahay in ay u gutaan Waajibaadkoooda Dastuuriga ah.
Ku-xgeenka Safiirka Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Richard Slack ayaa Guddoomiye Maxamed Xasan kula dardaarmay inay si toos ah u gutaan waajibaadkooda shaqo, xili uu taagan yahay muran xoogan oo ku aadan Guddigaas.
Kulankaan ayaa waxa uu ku soo aadayaa xilli Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha ay digniin ka soo saareen kulan Safiirka Turkiga ee Soomaaliya uu la qaatay Guddiga doorashooyinka, iyaga oo sheegay in Guddi muran ka taagan yahay oo aan la isku raacin aysan sax aheyn la kulankiisa.
Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha ayaa siweyn uga soo horjeeda Guddiyada la magacaabay, waxaana sidoo kale diidan Guddiga maamulada Puntland iyo Jubbaland oo shuruudo adeg ku xiray magacaabista xubnaha laga sugayo ee ku metelaya Guddiyada doorashada.