Ku dhowaad 90 ruux Tahriibayaal ah ayaa la sheegayaa inay ku dhinteen Xeebaha Liibiya, kaddib markii dooni ay la socdeen ay ku degtay Badda gelinkii hore ee jimcihii.
Hey’adda IOM ayaa sheegeysa in illaa iyo hada 3 ruux laga soo badbaadiyay doonida ku degtay xeebaha ee ay la socdeen Tahriibayaasha.
Mid ka mid ah dadka la soo bad baadiyay ayaa sheegay in dadka Tahriibayaasha ee la socday doonta ay u badnaayeen Pakistan-yiin, kuwaasoo doonayay inay gaaraan dalka Talyaaniga.
Tahriibayaasha ayaa marin u ah dalka Libiya, iyagoo Badda Meditarean-ka uga sii gudba Talyaaniga, waxaana Libiya ka jira is adoonsi lagula kaco dadka tahriibayaasha, waxaana laga qaataa lacag madax furasho ah.