Boosaaso (HM)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax khasaaro kala duwan sababay oo caawa ka dhacay ilinka hore ee dekadda magaala madaxda ganacsiga Puntland ee Boosaaso.
Falkaas oo fiidnimaddii caawa lasoo wariyey ayaa waxaa la rumeysan yahay in uu ka dhashay walxo qarxa oo meel lagu aasey.
Ugu yaraan hal qof ayaa ku geeriyooday dhacadaas, halka mid kalena uu ku dhaawacmay, sidda laga soo xigtay saraakiil dhanka ammanka ah oo ka gaabsadey in la adeegsado magacyadooda.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Wararka ayaa waxay intaas ku darayaan in ruuxa dhintay ay jinsiyadiisu tahay Itoobiyaan, halka bukaanka lagu sheegay askari.
Marsadda xarunta gobolka Bari oo ku taala xaafada Suwayto waxaa ka akdhow mehrado ganacsi oo ay leeyihiin muwaadiniin u dhashay Itoobiya. Ma cadda hadii uu dadkaas kamid ahaa.
Ma jirto koox illaa iyo haatan dusha saaratay mas’uuliyadda falkaas, oo looga bartay maleeyshiyaadka Al-Shabaab iyo Daacish.
Laamaha amniga magaalada Boosaaso ayaa muddooyinkii dambe ku howlanaa xaqiijinta xasiloonida magaaladda, waxayna ku guuleysteen in ay fashiliyaan qaraxyo dhowr ah oo “cadowgu diyaariyey”.
Isha: Garoowe Online