WARARKA SOOMAALI

Kenya oo War kasoo saartay Qarax ay Al-Shabaab Ciidamo uga dishay

Madaxa ciidanka Booliska Gobolka Waqooyi Bari ee Kenya John Otieno ayaa ka hadlay qarax sababay dhimasho iyo dhaawac oo maalmo kahor saraakiil ka tirsan ciidankooda lagula beegsaday magaalada Garissa ee waqooyi Bari ee dalkaas Kenya.

Qarax oo ahaa miino dhulka la geliyay ayaa Al-Shabaab waxa ay la eegatay gaari ay saarnaayeen saraakiil iyo Askar ka tirsanaa Booliska Kenya, kuwaasi oo qaarkood dhintay, halka kuwo kalena ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen.

John Otieno ayaa sheegtay inay qaraxa uga dhinteen sideed sarkaal oo Boolis ah, isagoona intaas hadalkiisa kusii daray in weerarkaan ay tuhusan yihiin inay ka danbeeyeen Al-Shabaab oo uu xusay inay beegsadaan gaadiidka ay saaran yihiin ciidankooda ammaanka.

“Waxaan tuhun sannahay in tani ay tahay shaqada Al-Shabaab, kuwaas oo beegsanaya baabuurta ciidamada ammaanka iyo kuwa dadweynaha,” ayuu yiri Madaxa ciidanka Booliska Gobolka Waqooyi Bari ee Kenya John Otieno.

Si kastaba, Al-Shabaab ayaa marar badan waxa ay qaraxyo sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah ay la eegteen ciidamada Kenya, iyadoona dhawaan ay aheyd markii Shabaabka ay Askar badan oo Uganda ka tirsan ku laayeen magaalada Buulo-Mareer.

Kenya oo War kasoo saartay Qarax ay Al-Shabaab Ciidamo uga dishay
To Top