WARARKA SOOMAALI

Kenya oo soo bandhigtay shuruudo ay sheegtay in Ciidankeedu kaga baxayaan Soomaaliya-Akhriso

Muqdisho (HM)-Dowladda Kenya ayaa waxay dejisay qariiradda ay ciidamadeeda ugala baxeyso gudaha Soomaaliya oo ay joogaan tan iyo sanadkii 2011-kii, sidda uu ku waramay wargeyska afka dheer ee Daily Nation.

Istaraatiijiyaddan oo ka kooban lix mar-xaladood waxaa ugu horeysa in la abuuro xaalado ay ciidanka AMISOM uga hayaami karaan Soomaaliya oo ay kamid tahay dib-u-habeynta ciidanka qaranka.

Tani waxaa barbar socota in la suurtageliyo in ciidamadda ammaanka Soomaaliya ay hogaamiyaan howlgaladda nabadeynta.

Tiirka labaad waa in la abuuro xasilooni, nabad iyo barwaaqo ka dhacda Jubbaland isla markaana lasoo afjaro joogitaanka dagaalameyaasha Al-Shabaab ee ku dhuumaaleysta degaanadda miyiga.

Sidda ku xusan warbixinta, shuruuda saddexaad waa in la helo hab maamul lagu xaqiijiyo ammaanka xadka Soomaaliya iyo Kenya gaar ahaan kormeerid, darbiyo isku xira, wadooyin iyo godad ammaan.

DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY EE SOMAALIA

Xeeladda afaraad ayaa ah in la xoojiyo howlgaladda wadajirka ah iyo xarumaha xakameynta ee magaalooyinka Nairobi, Mombasa, Wajir, Moyale, Busia, Namanga, Lamu iyo Lokichoggio.

Jaraa’idka ayaa intaas raaciyey in tiirka shanaad uu yahay iskaashi iy heshiis xoojinaya oo dhanka nabad-gelyadda guud ah oo dhexmara dowladdaha Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya.

“Tani waxaa qayb ka ah ciidamo isku dhaf ah oo dalalka Geeska Afrika sameystaan iyaddoo loo marayo urur goboleedka IGAD iyo EAC [ururka bulshadda bariga Afrika],” ayuu joornaalku raaciyey.

Tiirka ugu dambeeya isla markaana kamid noqon kara kuwa ugu muhiimsan waa in leyska kaashado soo afjarida xagjirnimadda, iyaddoo loo marayo la shaqeynta dadweynaha oo wacyigelin la siinayo.

Tan iyo markii ciidamadda Kenya ee KDF ay soo galeen gudaha Soomaaliya, Al-Shabaab ayaa wadankaas ka fulisay weeraro argagixiso oo ay ku dishay dad shacab ah iyo saraakiil, taas oo sarre u qaaday walaaca dadweynaha.

Xigasho: Garoowe Online

SOMALI NEWS

To Top