Sacaadaha soo socda waa lagu balansan yahay in xarunta golaha shacabka uu ka furmo kalfadhigii 3 aad ee barlamanka soomaaliya.
Xildhibaanada ayaa maanta dib isugu soo laaban doono kadib fasax qaatay muddo 3 bilood ah waxana kulankoodii ugu danbeeyey ay yeesheen 16-kii December sanadkii tagay ee 2017 markaasoo kalfadhigii labaad la soo xiray.
Amaanka guud ee caasimada muqdisho ayaa maanta aad loo adkeeyey,waxana wadooyinka magaalada buux dhaafiyey ciidamo baaraya gaadiidka rayidka ah.
Kalfadhigan 3-aad ee maanta furmay ayaa ah mid muhiim ah,waxana mudada uu socda la filayaa in mudanayaashu ay ka doodaan ajandayaal badan halka looga fadhiyo ansixinta sharciyo badan oo iminka horyaala.
Kalfadhiga 3-aad waxaa maanta furi doona isla markaana khudbad ku aadan ahmiyada uu ku fadhiyo jeedin doona madaxweynaha jamhuuriyada fedraalka soomaaliya Maxamed Cadulaahi Farmaajo.
Kulanka ayaa waxaa la filayaa in ajandayaasha aad loogu qaadaa dhigi doono ay kamid noqon doonaan heshiiska imaaraadka itoobiiya iyo Maamulka Somaliland ku wada galeen Dekedda berbera.