WARARKA SOOMAALI

Kal-fadhiga labaad ee Golaha Shacabka oo Maanta lasoo xiray

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta soo xiray kalfadhiga labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha shacabka ayaa hadal kooban ka jeediyay xarunta golaha ayaa dulmar ku sameeyay howlaha u hirgalay Xildhibaanada Golaha Shacabka inta uu shaqeeynayay  kalfadhiga labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya.

Sidoo kale Aadan Madoobe ayaa waxaa mid mid u dul istaagay qodobo muhiim ah oo ku aaddan ansixinta shuruucda Xukuumadda ay soo gudbisay iyo fadhiyo kale oo muhiim u ahaa Golaha iyo guud ahaan Dowladnimada dalka.

Sidoo kale, Ajandaha kulanka ee maanta waxaa qeyb ka ahaa dhaarinta Xildhibaan Mukhtaar Maxamed Mursal Boorow oo dhowaan laga soo doortay magalada Baydhabo.

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyay sharciyo farabadan oo ay Golaha usoo gudbiyeen Golaha Wasiirada Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.

Kal-fadhiga labaad ee Golaha Shacabka oo Maanta lasoo xiray
To Top