WARARKA SOOMAALI

Jubbaland oo War farxad geliyay MW Farmaajo kasoo saartay Doorashada

Xukuumadda Jubbaland ayaa war ka soo saartay doorashada aqalka sare ee Soomaaliya iyo welwelka ku aadan in Kismaayo loo diidayo dhammaan siyaasiyiinta gacan saarka dhow laleh Madaxweynaha dowladda federalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo markale u sharaxan xilka madaxweynenimo ee dalka.

Wasiirka maaliyadda Jubbaland, ahna xubnin ka tirsan guddiga uu baarlamaanka u magacaabay qabsoomida doorashada Aqalka Sare xildhibaan Xuseen Xirsi Axmed ayaa warbaahinta u sheegay in doorashadu u dhici doonto hanaan caddaalad ah, wuxuuna ugu baaqay musharraxiinta inay muujiyaan kalsooni gaar ah.

Wasiirka ayaa waxa uu meesha ka saaray in Jubbaland ay dooneyso inay is hortaagto qaar ka mid ah musharraxiinta, gaar ahaan kuwa siyaasad ahaan kasoo horjeeda, wuxuuna waxba kama jiraan ku tilmaamay welwelka ay dadku ka qabaan arrimahaasi.

“Doorashadu waxaa maamulaya guddiga federaalka iyo dowlad goboleedka Jubbaland sida ku xusan heshiiska, Wax cabsi ah ma jiri karto in shaqsi lagu dhibaateeyo, Guddi ahaan waxa aan diyaar u nahay in aan u sinnaano Musharixiinta si ay u dhacdo Doorasho qurux badan” ayuu yiri wasiirka maaliyada Jubaland.

Wasiir Xuseen ayaa shaaciyey in doorashada ay si wadajir ah u maamuli doonaan guddiga federaalka iyo Jubbaland, taas oo qeyb ka aheyd heshiiskii doorashada, isagoona intaasi ku daray in iyagu ka guddi ahaan ay u sinaan doonaan xubnaha musharraxiinta ee u tartamaya ka mid ah noqoshada Aqalka Sare.

SOMALI NEWS

To Top