WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Deni iyo Axmed Karaash oo la isku keenay & isimadda oo dhameeyay khilaafkii u dhaxeeyay.

Garoowe (HM)-Marki u horeysey muddo bil ka badan ayaa la isku keenay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo ku-xigeenkiisa Axmed Karaash si loo xaliyo wada shaqeyn xumo iyo khilaaf xoogan ku dhex jirey muddooyinkii u danbeeyey labada masuul ee ugu sareeya talada maamulka Puntland.

Isimada Puntland ayaa ku guuleystay inay isu keenaan Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni iyo Madaxweyne kuxigeenka Axmed Cilmi Karaash, kaddib waan waan ay muddooyinkii u dambeeyay ka dhex wadeen.

Labada Mas’uul ayaa todobaadyadii u dambeeyay u dhaxeeyay khilaaf xooggan oo ka dhashay magacaabis xilal,  waxaana ay keentay in warqado iska soo horjeeda ay soo kala saaraan.

Isimada Puntland ayaa wixii ka dambeeyay markii khilaafkaas soo shaac baxay waxay dadaalo ka dhex wadeen labada dhinac, si loo xaliyo khilaafka loona soo afjaro.

Odayaasaha dhaqanka ayaa ku guuleystay in labadda dhinac ay kawada hadlaan qodobada Muranka badan dhaliyay ee maalmihii lasoo dhaafay khilaafka culus ka taagnaa.

Warar madax banaan ayaa xaqiijinaya in ay labada masuul ee u sareysa maamulka Puntland ay aqbaleen in ay kawada hadlaan waxyaabaha ay isku hayeen, lagana gudbo.

War qoraala oo goor dhow kasoo baxay Madaxtooyada Maamulka Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in labada masuul ay isku raaceen in laga shaqeeyo amniga iyo Midnimada Puntland.

HALKAN KA DAAWO

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Karaash ayaa cabasho ka muujiyay in Madaxweyne Deni uusan wax la tashi ah kala sameyn talaabooyinka ay uu qaadayo ee ay ka mid yihiin xilka qaadista iyo Magacaabista.

Madaxweynaha Puntland Deni ayaa balan-qaaday Latashiga Kuxigeenkiisa, oo ay kawada socon doonan xaaladdaha marba taagan, iyadoo la raacayo qodobada Dastuuriga.

Sawirro la soo geliyay baraha bulshada ayaa muujinayay Madaxweyne Saciid Deni iyo kuxigeenkiisa Axmed Karaash oo ay dhinac taagan yihiin Isimada Puntland ee maalmahan waan waanta ka dhex waday.

Horufadhi News

Sawirka Maanta

SOMALI NEWS

To Top