WARARKA SOOMAALI

Isimada iyo Waxgaradka Buuhoodle oo Wardheer u baxay iyo Mustafe Cagjar oo kusoo Wajahan Gobolka

Buuhoodle  ( HM ) Habeenimadii xalay ayaa waxaa magaalada Buuhoodle ka ambabaxay Wafti aad u balaadhan oo ay hogaaminayaan ismada deegaanka  iyo Waxgarad ay kamid yihiin   Garaad Cabdirasiq Garaad soofe,  Garaad saleban buraale ,  Suldaan siciid cismaan cali ,  Cugaal,  Siyaasiyiin, Aqoonyahano iyo culimo.

Sidoo kale wafti tan la mida oo uu hogaaminayo garaadka guud ee Beelaha dhulbahante Garaad Jaamac Garaad cali Garaad jaamac ayaa ka soo baxay deegaanada bariga dhamaantood waxay ku jawahanyihiin magaalada Wardheer ee gobolka doollo dawlada deegaan Soomalida halkaas oo maalinta Arbacada ah uu ku soo beegan yahay madax waynaha deegaanka Mustafe Muxumud cumar.

Ujeedada Safarka Waxgaradkan ayaa lagu sheegay  inuu salka ku hayo  Si ay ugala hadlaan xaquuqda dawliga ah ee deegaanka bariga doollo iyo sidoo kale inay madax waynaha ku martiqaadaan deegan ka bariga dollo waxaan suura gal ah ah in madax waynuhu socdaal kumaro deegaano ka tirsan bariga gobolka sida lagu wado.

Beesha Dhulbahante ayaa degan Bariga Gobolka Doolo Waana beesha Ugu deegaanka balaadhan oo aan helin Xaquuqdii ee Dawladda deegaanka ku lahaayeen,  waxaana Waxgaradka lagu booriyey in madaxwaynaha ay ka codsadaan in uu deegaanka la soo arko.

Waxaana horay bishii Ramadaan magaalada Jigjiga ka dhacay shir balaadhan oo dhexmaray Waxgaradka Bùuhoodle iyo Madaxwayne Mustafe Cagjar kaasi oo looga hadlay arimo muhiim ah.

KALSHAALE

SOMALI NEWS

To Top