WARARKA SOOMAALI

Ingiriiska oo cunaqabateyn cusub ku rogay Bangiyo laga leeyhaya Ruushka oo ku yaalla…

Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska Boris Johnson ayaa cunaqabateyn ku soo rogay shan Bangi oo Ruushka laga leeyahay kuna yaalla Uk iyo saddex qof oo maalqabeeno Raashiya u dhashay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Ruushka aduunka qatar ku tahay.

Ruushka ayaa dhankoda amar ku siiyay Ciidamadooda in ay galaan laba gobol oo ka go’ay Bariga Ukraine oo ay maamulaan kooxaha gooni u goosadka ah ee ay taageerto Moscow. Arrintan ayaa timid ka dib markii madaxweyne Vladimir Putin uu u aqoonsaday Donetsk iyo Luhansk inay madaxbannaan yihiin.

Ruushka ayaa sheegay in Ciidamadaasi ay fulin doonaan howlo nabad ilaalin ah, taasi oo uu Mareykanku ku sheegay mid aan macno lahayn.

Dhanka kale Jarmalku waxa uu hakiyay mashruuc weyn oo dhuumaha gaaska ah oo laga keenay Ruushka, Nord Stream 2 Qudbad kulul oo laga sii daayay telefishinka Isniintii, Putin wuxuu ku dooday in Ukraine aysan lahayn taariikh ah inay noqoto qaran run ah.

Ingiriiska oo cunaqabateyn cusub ku rogay Bangiyo laga leeyhaya Ruushka oo ku yaalla…
To Top