WARARKA SOOMAALI

Imaaraadka Carabta oo ilaalinaya Xeebaha Soomaliland xili Dowladda Federaalku u diiday Shatiyada..

Laascaanood (HM) – Saldhigga Militari ee Imaaraadka Carabta ee la filayo in xadhiga laga jaro bisha June ee sanadkan, ayaa lagu rakibi doonaa qalab taageeraya ilaalinta Biyaha Soomaliland, sida Imaaraadka Carabta ay sheegeen.

Waxaa sidaas lagu sheegay war-bixin dheer oo lagu daabacay majadalada lagu magacaabo East African Business Week.

Warka ah in Imaaraadka ilaalinayo xeebaha Somaliland ayaa imanaya ayada oo Somaliland ay uga digtay shirkado kalluumeysi oo ay shatiyo siisay dowladda Soomaaliya inaysan usoo dhowaan xeebaheeda.

Warbixinta waxaa lagu sheegay in Saldhigga millatari ee Imaaraadka Carabtu ka dhisanayey Somaliland lagu wado inuu bilaabo shaqadiisa bisha June, kaasi oo uu wehelin doono nidaam lagu ilaalinayo xeebaha Somaliland, oo aan sharaxaad laga bixin.

Dhanka kale war-bixinta ayaa lagu soo xigtay hadal uu hore u sheegay wakiilkii hore ee Somaliland u joogay Imaaraadka Carabta Baashe Cawil, kaasi oo ahaa mid uu ku sheegay in aanay Somaliland haysan awood dhaqaale oo ay ku ilaaliso xeebaheeda, ayna raadsan doonto taageero caalami ah.

“Saldhiga militariga Imaraadka Carabta ayaa ka caawin doona gobolka oo dhan – Budhcad-badeednimada, kalluumeysiga sharci-darrada ah, daadguraynta sunta, mana haysanno ilo dhaqaale oo lagu ilaaliyo xeebahayaga, “ayuu Amb Baashe Cawil ku sheegay wareysi hore oo lala yeeshay.

SOMALI NEWS

To Top