WARARKA SOOMAALI

Hirshabeelle oo War kulul kasoo saartay Qoraalkii Midowga Musharaxiinta

Kusimaha Madaxweynaha ahan Guddoomiye ku-xigeenka 1aad Baarlamaanka Hir-shabeelle Siraaji Sheikh Isaaq oo weheliyo Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa Goordhaw shir jara’id ku qabtay  Aqalka Madaxtooyada Magaalada Baladweyne.

Labada Mas’uul ayaa kulul waxaa ay uga hadleen Warkii xalay kasoo saaray Midowga Musharaxiinta ee ahaa in Baladweyne aysan ka dhici karin Doorashada Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka.

Gdudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte ayaa sheegay in Midowga Musharaxiinta ay u gafeen  Dadka reer Baladweyne oo aay doonyaan inay doorshada ka wareejiyaan Magaalada Baladweyne.

Kusimaha Madaxweynaha ayaa beeniyay Warka Midowga Musharaxiinta, isagoo sheegay inay qas iyo fowdo ka wadaan, isla markaan Magaalada Baladweyne lagu qaban karo doorsho .

Siraaji Sheekh Isaaq ayaa sidoo kale ka Dalbaday Midowga Musharaxiinta inay raali-galin ka bixiyaan hadlkoodaas, Midowga Musharaxiinta ayaa xalay sheegay in Baladweyne doorsho aan lagu qaban karin sababo la xiriiro amaanka iyo Buuq kajiro.

SOMALI NEWS

To Top