WARARKA SOOMAALI

Haween Soomaaliyeed oo kunool Dalka Mareykanka oo lagu riday Xukuno adag iyo Walaac xoogan oo ay qabaan Soomaalida..

Maxkamad kutaala dalka Mareykanka ayaa xukuno adag oo xabsi ah ku riday labo haween ah oo kunool dalkaasi kuwaa oo lagu helay dambi ah in ay taageereen lacagana u direen Kooxda Al Shabaab ee ka dagaalanta gudaha Soomaaliya.

Muna Cismaan Jaamac oo 36 jir ah, deggana magaalada Reston ee gobolka Virginia, iyo Hinda Osman Dhirane, oo ah 46 jir, degan, Washington, ayaa lagu helay in dhaqaale u direen Kooxdfa Al Shabaab oo dowlada Mareykanka u aqoonsan tahay koox argagaxiso.

Haweenkan ayaa Maxkamada sheegtay in marar badan dhaqaale ku maal galiyeen Al Shabaabka ku sugan Soomaaliya iyo Kenya, lacagaha ay haweenkan u direen Al Shabaab ayaa la sii marsiin jiray magaalada Hargeysa .

Maxkamada ayaa soo bandhigtay cadeemo muujinaya dambiyada lagu helay haweenkan Soomaaliyeed, Maxkamada ayaa sidoo kale soo bandhigey magaca kooxda ay haweenkan katirsanaayeen oo ahaa The Group of Fifteen.

Kiiska Haweenkan oo soo bilowday sanadkii hore ayaa ugu dambeyn Maxkamada ku riday xukuno adag oo xabsi ah, waxaana Muna Cismaan Jaamac lagu xukumay 12-sano oo xabsi ah halka Hinda Osman Dhirane lagu xukumay 11-sano oo xabsi ah.

 

SOMALI NEWS

To Top