WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo sheegay in aysan aqbali doonin maqaam ka hooseeya ka maamul gobaleedyada-Video

Muqdisho (HM)-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) oo maanta ka hadlayay banaan bax lagu taageerayay hadalkii Madaxweynaha oo ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ayaa dhoweeyay codsigii Madaxweyne Farmaajo u jeediyay labada Aqal ee Baarlamaanka ee ahaa inay ogolaadaan mataalad siyaasadeed oo Gobolka Banaadir ay yeelato.


Guddoomiye Cumar Filish oo dibad baxayaasha kula hadlayay Isgoyska KM4 ayaa sheegay Muqdisho aan in muddo ah wax matalaad siyaasadeed laheyn, sidaas darteed bulshada ku nool Gobolka Banaadir ay dareenkooda ku muujiyaan inay isugu soo baxaan qeybo badan, si loo soo dhoweeyo hadalkii Madaxweynaha uu ka jeediyay kalfadhiga 7aad ee Baarlamaanka.

“Sharaf ayay noo tahay in aan idin kala soo qeyb galno bannaan baxan aad ku muujineysaan dareenkiina ku aadan magaaladiina in muddo ah ay laheyn wax mataalad siyaasadeed magaalada muqdisho waa caasimaddii dalka Soomaaliya, waa meeshii ubucda ama xudunta u aheyd dhammaan dalka oo dhan, waa xuduntii aqoonta, maqaamka caasimadda iyo mataaalada gobolka banaadir waa wax ay mudan yihiin reer Banaadir, waa wax ay mudan yihiin reer Muqdisho, sidaa la socotiin in muddo ahba waxaa la hadal hayay sidii matalaad siyaasadeed loogu heli lahaa gobolka banaadir, sidoo kale in la dhameystiro maqaamka magaalada muqdisho dadaaladaas ayaa socda, dadaalada socda oo lagu raadinayo matalaad gobolka banaadir iyo maqaamka caasimadda ayuu madaxweynaha ku dhiiraday in munaasabada furitaanka kalfadhiga 7aad labada aqal inuu mudanayaasha baarlamaanka u soo jeediyo codsi ku aadan gobolka banaadir in la siiyo matalaad u qalanta”ayuu yidhi Guddoomiye Cumar Filish.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Sidoo kale waxaa uu sheegay inay doonayaan mataalad u qalanta Gobolka Banaadir oo ka macno sareysa, kana ballaaran matalaadaha dowlad goboleedyada.

“Muqdisho waxay u qalantaa matalaad ka macno sareysa oo ka mug weyn mataaladaha dowlad goboleedyada, dowlad goboleedyada waxay leeyihiin matalaad siyaasadeed haddii ahaan laheyd aqalka sare iyo aqalka hoose, waxaa la aqbali karin mataalad la’aanta siyaasadeed ee Gobolka Banaadir inay sii socoto, waxaa kale la aqbaleyn mataalad ka hooseysa dowlad goboleedyada”ayuu hadalkiisa sii raaciyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho.

Banaan baxyadii maanta ka dhacay Muqdisho ayaa waxay dadka isugu soo baxaan dhowr goobood oo markii hore loo qorsheeyay, waxaana degmooyinka Gobolka Banaadir min shan degmo ay isugu tagayeen goobaha loo cayimay, sida Isgoyska Sanca, Fagaaraha Daljirka Dahsoon, Xarunta Saldhig Galbeed iyo Isgoyska KM4.

Horufadhi News

Cumar Filish ,Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, Maanta 7june

SOMALI NEWS

To Top