WARARKA SOOMAALI

Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo ku sugan Jiida hore ee Puntland iyo Somaliland isku hor fadhiyaan..

Garoowe (HM)-Wefdi ka kooban xildhibaanno iyo wasiiro ka tirsan Maamulka Puntland oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha Baarlamanka Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed Dhoobo ayaa gelinkii dambe ee shalay booqday fariisimaha ciidanka Daraawiishta Puntland ee degmada Yubbe .

Guddoomiyaha iyo wefdigiisa ayaa soo kormeeray fariisimaha kala duwan ee ciidanka Daraawiiishta Puntland ku leeyihiin degmada Yubbe halkaasi oo ay isku hor fadhiyaan ciidamo kala taabacsan Puntland iyo Somaliland kuwaasi oo labada dhinac ka fadhiya magaalada Yubbe.

Dhoobo iyo wefdigiisa ayaa kulan la qaatay saraakiisha ciidanka Daraawiishta Puntland ee ku sugan Yubbe iyagoo ka dhegaystay warbixinno la xiriira xaaladda ciidanka iyo diyaar-garowga ay ugu jiraan difaaca xuduudaha Puntland.

Dhinaca kale guddoomiyaha iyo wefdigiisa oo xalay ku howday degmada Hadaaftimo ee isla gobolkaasi ayaa saaka kulamo kala duwan la qaadanaya maamulka degmada Hadaaftimo iyo bulshada ku dhaqan degmadaasi.

SOMALI NEWS

To Top