WARARKA SOOMAALI

Guddoomiye Degmo oo lagu dilay Magaalada Muqdisho iyo Wararkii ugu dambeeyay

Guddoomiyihii degmada Hodan ee Gobolka Banaadir Cabdixakiin Cabdiraxmaan Ciise Dhagajuun ayaa xalay lagu dilay Magaalada Muqdisho, waxaana dilkiisa laga helayaa faah faahino dheeraad ah.

Goobjoogayaal ayaa ku warramay in Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka ay rasaas xoogan ku fureen gaariga Guddoomiye Cabdixakiin, xili uu mararay Isgoyska Jid-mareexaanka.

Wararka qaarkood ayaa sheegaya in dilka inta uusan dhicin ay is rasaaseeyn kooban dhexmartay Ilaalada Guddoomiyihii Hodan iyo Ciidamo ku sugnaa Isgoyska Jid-mareexaanka, sidaasina uu ku dhintay.

Allaha u naxariistee Guddoomiye Dhagajuun ayaa gelinkii dambe ee shalay dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho, kadib markii todobaadyadii lasoo dhaafay uu xaalad Caafimaad u jiray dalkaas markii uu ku dhaawacmay qarax lagula eegtay Muqdisho.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa gaarka ee Facebook ayuu ku sheegay in xaaladdiisa Caafimaad ay wanaagsan tahay, isla markaana uu bilaabay shaqadiisa, isagoo isla shalay shir Guddoomiyey shirka todobaadlaha ah ee degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag.

Hoos ka Akhriso Qoraalka uu soo saaray Guddoomiye Dhagajuun inta aan la dilin.

 Bismilaah

Alle ayaa Mahad leh, intaa kadib waxaa maanta ku soo noqday dalka, kadib markii hawlo Caafimaad muddo kooban aan ugu maqnaa dalka Turkiga, Alle mahadii xaaladeyda Caafimaad aad ayeey u wanaagsan tahay.

Intaa kadib maanta markii aan imid, waxaan durba bilaabay shaqadii aan Bulshada u haayay, waxaana Shir Guddoomiyay, Shirka Isbuuclaha ah ee Degmooyinka Hodan & Hawlwadaag, kaasi oo looga hadlo hawlaha shaqo ee ka socda labada Degmo.

Argagixisada mar kasta waxa ay isku dayaan in Bulshada Somaliyed ay ka niyad jabiyaan Dowladnimadooda, laakiin waxaan leenahay idiinma suuragaleyso qorshahaasi aad damacsan tihiin, idinka ayaana dhibka ku dambeyn doono Insha Allah.

Waxaa naga go’an inta nafta ay nagu jirto in aan u adeegno Bulshadeena qiimaha badan.

SOMALI NEWS

To Top