WARARKA SOOMAALI

Guddoomiye Aadan Madoobe oo kulan la qaatay ku-xigeenka Wakiilka QM

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ku-xigeenka Ergeyga Qaramada Midoobay u Qaabilsan Kaalmaynta Soomaaliya Marwo Anita Kiki Gbeho.

Ku-xigeenka QM ayaa Guddoomiyaha ku boggaadisay shaqada uu qabtay Baarlamaanka intii uu socday kalfadhiyadii la soo dhaafay iyo doorkiisa odaytanimada leh uu ka cayaaray dib u heshisiinta dalka.

Dhanka kale waxay kawada hadleen in Barlamaanka ay kala shaqayn doonaan dhanka hormarinta iyo tababarada Xildhibaannada.

Sidoo kale kulanka ayaa waxaa inta uu socday isla soo hadal qaadeen dhamaystirka Dastuurka KMG ee Jamhuuriyadda iyo dagaalka lagula jiro kooxda Khawaariijta ah.

Guddoomiye Aadan Madoobe oo kulan la qaatay ku-xigeenka Wakiilka QM
To Top