Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa magacaabay lix xubnood oo ka mida Guddiyada Doorashada heer Goboleed iyo kuwa Federaalka ee loo qoondeeyay.
Cabdi Xaashi ayaa xubnahana u gudbiyey Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, waxayna ka danbeeyeen markii lagu heshiiyey 27-kii May 2021 inuu soo magacaabo 4 xubnood oo ka mida Guddiyada Doorashooyinka Kuraasta Somaliland.
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Guuleed ayaa isna laga sugayaa inuu soo magacaabo 6-xubnood oo kamid ah noqonaya Guddiyada doorashooyinka Xildhibaanada labada Aqal ee kasoo jeeda Gobolada Waqooyi ee (Somaliland).
Khilaafkii ka taagnaa qabsoomida doorashada dalka ka dhaceysa ayaa waxaa Qodobka ugu adeg uu ahaa Arrinta Guddiga doorashada Xildhibaanada Gobolada Waqooyi ee Somaliland, waxaana markii dambe lagu guuleystay in xal laga gaaro khilaafka.
Hoos ka Akhriso Magacyada Guddiga uu magacaabay Cabdi Xaashi.