SOMALI NEWS

Guddiga doorashooyiinka Jubaland oo shaaciyay qabashada doorashada kuraasta Garbahaareey

Guddiga doorashooyiinka Jubaland oo shaaciyay qabashada doorashada kuraasta Garbahaareey

Guddiga hirgalinta doorashooyinka Jubbaland ayaa caawa shaaciyay qabashada 16 kursi ee taalla degmada Garbahaareey ee gobolka Gedo.

Sida ku xusan qoraal ay guddiga soo saareen doorashada 16 kuraasi ayaa lagu qaban doonaa muddo 2 todobaad gudohood.

Qabashada doorashada 16 Kurisi ee gobolka Gedo ayaa waxaa hareeyay muran xooggan. Doorashada Kuraasta golaha shacabka ayaa imika u muuqata mid heer gebogebo ah mareysa.

maamulada Koonfur Galbeed iyo Galmudug ayaa iyagu maanta soo gabagabeeyay doorashada golaha shacabka. Waqtiga kama dambeysta ee loo qabtay gebagebada doorashada kuraasta golaha shacabka ayaa maanta ku ekeyd.

Guddiga doorashooyiinka Jubaland oo shaaciyay qabashada doorashada kuraasta Garbahaareey
To Top