WARARKA SOOMAALI

Guddiga Doorashada Qaranka iyo Culimadda oo kulan xasaasi ah yeeshay

Hay’adda Culimadda Soomaaliyeed ayaa kulan wadatashi ah la qaadatay Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal, waxaana kulanka inta uu socday looga hadlay doorashada dalka ka dhaceysa dhammaan sanadkaan 2020/2021.

Culimadda Soomaaliyeed ayaa tallooyin wax ku ool ah waxaa ay ku biiriyeen Guddiyada Doorashada ee haatan ay wadaan kuna aadan doorashooyinka iyo in hannaanka uu noqdo mid hufan oo laga wada qeyb qaatay.

Xubnaha Guddiga ayaan dhankooda la wadaagay Hay’adda Culimadda Soomaaliyeed shaqooyinka baaxadda leh ee ilaa iyo haatan qabsoomay, kuwa qabyada ah iyo tallaabooyinka xiga ee lagu xaqiijinayo in dalka looga hirgeliyo doorashooyin xor iyo xalaal ah.

Guddoomiyaha Guddiga Maxamed Xasan Cirro ayaa kulanka ka sheegay inay ku dadaali doonaan sidii ay u dhici laheyd doorasho xor ah oo lagu wada qabansan yahay, xili weli uu muran xoogan ka taagan doorashada.

Maalmihii lasoo dhaafay Guddiga doorashooyinka heer Federaal ayaa waday kulamo kala duwan oo ay la qaadayeen qaar kamid ah Safiirada Soomaaliya ee Beesha Caalamka iyo qeybaha kala duwan Bulshada, iyagoona inta badan kala hadlay arrimo muhiim.

Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha ayaa siweyn uga soo horjeeda Guddiyada la magacaabay ee doorashada, iyagoona sheegay inay ku jiraan xubno ka tirsan NISA iyo shaqaale dowladeed.

SOMALI NEWS

To Top