Magaalada Garbahaarey ee Xarunta Gobolka Gedo ayaa waxaa gaaray Guddiga dib-u-heshiisiinta Gobolka Gedo oo uu magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Guddiga dib-u-heshiisiinta Gobolka Gedo ayaa bilaabaya howsha loo idmaday oo ah inay dib-u-heshiisiin u sameeyan Bulshada degmadaas, si ay uga dhacdo Doorashada Baarlamaanka Federaalka.
Sidoo kale Guddiga ayaa kulamo kala duwan la qaadan doona Maamulka Garbahaarey iyo qeybaha kala duwan ee Bulshadam, isla markaana dib-u-heshiisiin u saameynaha, maadaama loo xilsaaray arrimahaas.
Guddiga oo Wasiiro maamul Goboleed ah ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay Mas’uuiliyiinta Garbahaarey iyo xubno kale, iyagoona intaas kadib loo galbiyay dhinaca Xarunta Maamulka degmada.