WARARKA SOOMAALI

Guddi ka tirsan Golaha Shacabka oo Bashiir Goobe u dhaariyay xilka loo magacaabay

Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka ee BJFS ayaa shir Guddoomiyay Kulanka Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka oo lagu dhaariyay wasiiru-Dowlaha cusub Wasaaradda howlaha guud ee uu shalay magacaabay Ra’iisul Wasaaraha dalka.

Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudey Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka ayaa ka qeyb galay Kulanka Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka oo uu Ajendihiisu ahaa dhaarinta Mudane Bashiir Maxamed Jaamac (Goobe).

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa shalay Bashiir Goobe u magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda howlaha guud iyo dib u dhiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Wasiiru-dowlaha halkaas ku dhaariyay Xildhibaan Maxamed Cabdulle Faarax geesey oo ah Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha gudaha iyo amniga ee Golaha Shacabka, iyadoo au goob joog ka ahaayeen Wasiirka Cadaaladda iyo Wasiirad Khadija Maxamed Diiriye.

Guddi ka tirsan Golaha Shacabka oo Bashiir Goobe u dhaariyay xilka loo magacaabay
To Top