WARARKA SOOMAALI

Golaha Wasiirada oo anixiyay heshiis lagu hirgelinayo Xarunta Sanduuqa Caalamiga

Shirka Todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Maanta ka qabsoomay magaalada Muqdisho.

Shirka Golaha ayaa looga hadlay amniga dalka, iyadoo lagu ansixiyay Heshiiska Dhismaha Xarunta Dhaxe ee Sanduuqa Caalamiga ah ee horumarinta iyo qorshaynta ee (WFDP) oo laga hirgelinayo Soomaaliya.

Golaha Wasiirrada ayaa warbixinno la xiriira amniga guud ee dalka, ka dhageystay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga oo soo bandhigay guulihii ay ciidamada qaranka ka gaareen xasillinta iyo xoreynta goobaha ku sugan yihiin.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa faray xubnaha Golaha Wasiirada inay dardar-geliyaan shaqooyinka muhiimka ah ee Wasaaraddooda horyaalla.

Golaha Wasiirada oo anixiyay heshiis lagu hirgelinayo Xarunta Sanduuqa Caalamiga
To Top