WARARKA SOOMAALI

Golaha Wasiirada Hirshabeelle oo Maanta ka shiray howlgalo ka socda Hiiraan

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen Cali Guudlaawe ayaa maanta guddoonshay Shirka Golaha Wasiiradda Maamulka Hirshabeelle.

Shirka Golaha ayaa looga hadlay Arrimaha Amniga, Dardargalinta Dhismaha Goleyaasha Deegaanka iyo Mashaariicda horumarinta Beeraha.

Madaxweynaha ayaa Wasaaradda Amniga gudaha ka dhageystay warbixinta howgalada ka dhan ah Al-shabaab ee ka socda degmooyinka Maxaas iyo Matabaan oo laga gaaray guulo muhiim ah iyadoo la sheegay in Shabaabka laga xureeyay deegaaano badan.

Madaxweynaha ayaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha ka dhageystay warbixinta qorshaha kaga aadan dib u bilaabida dhismaha goleyaasha deegaanka iyadoo Wasaaradu sheegtay in dhowaaan ay bilaabi doonto dhismaha gole deegaan si bulshadu isu doorato.

Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ayaa Golaha u soo gudbisay Warbixinta shaqooyinka socda ee lagu hagaajinayo Kanaalada biyaha iyo kuwa la rajeynayo in wax ka qabad lagu sameeyo, Wasaaradda Beeraha ayaa sidoo kale sheegtay in ay wadaan qorshe lagu horumarinayo beerista bariiska iyo dalagyada kala duwan oo faaiido wayn u leh bulshadeena.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyay Xubnaha Golaha Wasiiradda isagoo kula dardaarmay inay dardargaliyaan qabashada shaqooyinka culus ee horyaala.

Golaha Wasiirada Hirshabeelle oo Maanta ka shiray howlgalo ka socda Hiiraan
To Top