Muqdisho (HM)-Isniintii la soo dhaafay ayaa Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Hawada Soomaaliy Maxamed Cabdilaahi Omaar ayaa ku dhawaaqay in dhamaan la joojinayo duulimaadyada Caalamiga ah ee yimaada soomaaliya iyo kuwa ka baxa laga bilaabo Maanta oo ku beegan 19-ka Maaj 2020.
Go’aankaas ayaa Wararka aan heleyno Maanta dhaqan galay,iyada oo ilaa iyo hadda saaka aysan wax diyaarado ah oo ka yimid dalalka Caalamka ee soo gaadhay muqdisho iyo Gobolada,iyada oo Go’aankaas ay dowladda u gaadhay arrimo la xidhiidha ka hor taga Cudurka Coronavirs oo dalka kusoo faafay.
HALKAN KA DAAWO WARKA
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay waqti badan gelineyso sida looga hortegi karo Caabuqa Coronavirus oo dalal badan saameyn ku yeeshay,iada oo joojisey duulimadyadaii Caalamiga ahaa,sidoo kale xirtey muddo 15 Cisho ah Goobaha Waxbarashada.
Dalal badan ayaa qaatey Go’aan noocan oo kale oo uu Cudurkaasi corona-virus gaarey iyo kuwo uusan weli gaarin,iyada oo lagu dadaalaayo in cudurkaasi uusan dadka gaadhin.