Qabashada codsiyada diiwaan-gelinta ayuu sheegay guddigu inay socon doonto muddo saddex bilood ah laga soo bilaabo 15-kii bishan December 2019 ilaa 15-ka March 2020-ka, wakhtigaasi oo ay ku egtahay diiwan-gelinta ururada Siyaasadda.
Guddiga ayaa sheegay oo kale in Urur kasta oo doonaya in loo diiwaan-geliyo urur-siyaasadeed uu codsigiisa soo raaciyo lifaaqa ay ku jiraan 10 nuqul oo xeerka ururka ah, liiska magacyada as’aasayaasha ururka oo lagu soo daabacay nootaayo sharciyaysan iyo shuruudo kale.