WARARKA SOOMAALI

Gargaarkii ugu horeeyay oo la gaarsiiyay Gobolka Tigrey, kadib heshiiskii

Hay’adda Laanqeyrta Cas ee Caalamiga ah (ICRC) ayaa ku dhawaaqday in kolonyadii ugu horreysay ee  sida gargaar caafimaad ay gaartay gobolka Tigre, ee waqooyiga Itoobiya, kaddib heshiiskii nabadeed ee horaantii bishii November ay kala saxiixdeen dowladda Itoobiya iyo Jabhadda Xoreynta Tigre ee TBLF.

Afhayeen u hadlay Guddiyada gurmadka ee ku sugan dalka Itoobiya ayaa xaqiijiyay in kolonyadii ugu horreysay ee sidda sahay caafimaad oo ka timid Laanqeyrta Cas ay gaartay magaalada Mekelle ee xarunta gobolka Tigre.

Midowga Afrika, ayaa horaantii bishan ku dhawaaqay in dhinacyada isku haya Itoobiya ay ku heshiiyeen in la joojiyo  colaadahii labada sano jirsaday ee ka socday waqooyiga Itoobiya.

Heshiiskii lagu soo gaba gabeeyay dalka Koonfur Afrika,  2-dii bishan November ayaa dhigayay in hub ka dhigis lagu sameeyo Jabhadda Tigrayga, iyo in dib loo bilaabo gargaarkii la gaarsiin lahaa gobolka, kaasi oo ay ka jirto tan iyo markii uu dagaalku qarxay xaalad bini’aadantinimo oo aad u daran.

Gargaarkii ugu horeeyay oo la gaarsiiyay Gobolka Tigrey, kadib heshiiskii
To Top