WARARKA SOOMAALI

Ganacsatada Muqdisho oo badeecadahooda ka weeciyay Dekada + sababta

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Ganacsatada Soomaaliyeed ka kala cararayaan inay badeecadahooda kala soo degsadaan dekada weyn ee Muqdisho, xili qaarkood durba bilaabeen inay u weecdaan Dekada Boosaaso ee dhanka Maamulka Puntland.

Kala shakiga Ganacsatada iyo Dowlada ayaa yimid kadib markii Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda heshiis la gashay shirkad lagu magacaabo Total Cleaning Services,taasoo qaban doonta howlo dhanka nadaafada  ah.

Shirkadaan ayaa waxay dhaqeysaa oo ay qandaraas ku qaadatay Konteenarada ka soo dega Dekeda xili Wasaaradda Maaliyadda ay hore u kordhisay canshuuraha kala duwan ee laga qaado Dekeda.

Ganacsatada oo awalba dhibaato canshuur kordhin tirsaneysay ayaa loogu daray in shirkad hadana qandaraas lagu siiyo dhaqida kunteenada taasoo culeyska ku sii kordhineysa ganacsatada.

Wararka ugu dambeeya ayaa sheegaya in shalay Dekeda Boosaaso uu ku soo xirtay Markabkii u horreeyay oo shixnado ganacsi u sida ganacsatada taasoo muujineysa in wadadaasi qay qaadi doonaan dhamaan ganacsatada kale ee reer Muqdisho madaama aysan xamili karin qarashaadka sii badanaya ee dhanka Dowlada ka soo korhay.

Ganacsatada Muqdisho oo badeecadahooda ka weeciyay Dekada + sababta
To Top