WARARKA SOOMAALI

Gabadh yar oo lagu Gowracay Degmadda Dayniile…

Muqdisho(HM)-Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya meydka gabar 2 sano jir ah a sheegay in uu gowracay nin weerar ku soo qaaday reerka gabadha.
Dhacdadan, ayaa timid kadib markii nin watay toorey uu galay guriga  reerka, kadibna uu gowracay Idman Cabdullaahi oo dhalnayd laba bilood  oo kaliya, sida uu xaqiijiyay qof ka mid ah ehelka gabadha oo la  hadlay warbaahinta.
Ninka falka gaystay oo baxsaday ayaanan  la ogeyn in uu xanuunsanaa iyo in uu si ku talo gal ah u gowracay  gabadha yar ee saqiirka ah.
Xilliga falkaan uu sameynaayay waxaa guriga  joogtay Hooyo Asma Maxamed Cabdi oo la dagaashay ninka, balse awoodi  wayday in ay ka celiso, taasoo u suurtagalisay in uu gowraco
Hooyo Asmo ayaa miir daboolantay markii gabadheeda lagu hor gowracay, kadibna ninkii falka gaystay ayaa baxsaday oo illaa iminka aanan la hayn raadkiisa.
Ciidamada  amniga oo tagay guriga amuurtaan ka dhacday ayaa halkaasi ka soo qaaday maydka gabadha yar iyo hooyadii dhashay, waxayna geeyeen xarunta  dambi baarista ciidamada Booliska, halkaasi oo kiiska dhacdadan lagu  baarayo.

 

SOMALI NEWS

To Top