SOMALI NEWS

FBI-da oo walaac ka muujinaysa weeraro culus oo kaga imaanaya Internet-ka

FBI-da ayaa billowday baaritaan kaddib markii kumannaan farriimo e-mail oo been abuur ah laga soo diray mid ka mid ah Server-yadooda, waxaanay fariimahaasi ka digayeen suurtagalnimada weerar internet-ka ah.

Hay’adda ayaa sheegtay in dhacdadaas oo subaxnimadii Sabtida laga war helay ay qayb ka tahay “xaalad socota” laakiin ma ay bixin faahfaahin dheeraad ah.

Farriimahaa la sheegay inay ka yimaaddeen waaxda amniga gudaha ee Maraykanka.

Waxaana lagu sheegay in ay digniin ka bixinayaan khatar soo fool leh, waxaana cinwaan looga dhigay: “Degdeg: Halista soo dhex gashay kombuyuutarrada.”

E-mail-ladu waxay u sheegeen dadka loo diray in lagu beegsanayo “weeraro casri ah oo xidhiidh ah” oo ay soo qaadayaan koox dadka kombiyuutarada ka jabsada oo lacago baad ka ah qaata lana yidhaa Dark Overlord, sida lagu baahiyey website-ka la socda weerarada noocaas ah ee la yidhaa Spamhaus.

FBI-da oo walaac ka muujinaysa weeraro culus oo kaga imaanaya Internet-ka
To Top