WARARKA SOOMAALI

Farmaajo oo War kasoo saaray Dabkii khasaaraha dhaliyey ee Suuqa Jigjiga

Madaxweynihii hore ee dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa murugada la qaybsaday dadkii ku hanti waayay dabkii xoogganaa ee xalay qabsaday suuqa Ganacsiga ee magaalada Jigjiga.

Farmaajo oo War-saxaafadeed soo saaray ayaa waxa uu ku sheegay inuu si weyna u garab taaganahay walaalaha reer Jigjiga ee xilligan adag ku jira, isagoo Allaah beddel khayr qaba iyo caafimaad degdeg ah u weydiiyay ganacsatada ku hanti beeshay iyo shacabka ay waxyeelladu ka soo gaartay dabka ka kacay suuqa Jigjiga.

“Guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee caanka ku ah is caawinta iyo isu damqashada xilliyada adag waxaan ugu baaqayaa in ay si weyn ugu gurmadaan oo ay gacan walaalnimo u fidiyaan ganacsatada iyo shacabka ay waxyeellada hantiyeed iyo midda nafeed ka soo gaartey masiibadaas” ayuu yiri Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Dabka xalay ka kacay suuqa magaalada Jigjiga ayaa dhaliyay khasaaro badan oo hantiyadeed, mana jiro wax khasaaro nafeed ah oo lasoo wariyay oo dabkaasi ka dhashay, waxaana durba bilowday gurmadyo loo sameenayo dadkii hanti beelay.

Farmaajo oo War kasoo saaray Dabkii khasaaraha dhaliyey ee Suuqa Jigjiga
To Top