WARARKA SOOMAALI

Agaasime KMG ah oo Maanta loo magacaabay Hay’adda Socdaalka Somalia

Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya FS Dr Maxamed Cali Doodishe ayaa Axmed Siciid Maxamed u Magacaabay Agaasimaha KMG ah ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Wareegto uu soo saaray Wasiir Doodishe ayuu ku magacaabay Agaasimaha KMG ah ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, kaasi bedelaya Agaasimihii hore ee Hay’addaasi C/qaadir Cilmi Cali oo maalin kahor ku dhawaaqay inuu xilkii iska casilay.

Wasiiru dowlaha Amniga gudaha Max’ed Cali Xagaa ayaa geeyey hadda xarunta Hay’adda Axmed Siciid Maxamed, isagoo madaxda iyo shaqaalaha baray, waxaana uu fariistay xaafiiska si rasmi ah.

Axmed Siciid Maxamed ayaa kamid ahaa Howlwadeenada/Macalin Jaamacad SIMAD, ee ay leedahay kooxda Madaxweyne Xassan Sheekh.

Agaasimihii hore ee Hey’adda Socdaalka C/qaadir Cilmi Cali oo dhowaan ka mid noqday 18 xubnood oo Xeer Ilaalinta ku eedeysay musuq maasuq iyo lunsasho hanti dadweyne ayaa war saxaafadeed uu soo saaray isku casilay, isagoo dalka ka maqan.

Agaasime KMG ah oo Maanta loo magacaabay Hay’adda Socdaalka Somalia
To Top