WARARKA SOOMAALI

Farmaajo oo Muqdisho iskugu yeedhay Madaxda Maamulada Somalia Puntland iyo Somaliland oo…

Madaxda ugu sareysa dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa u yeertay madaxda maamul goboleedyada dalka ka jira, waxaana la filayaa in Madaxda soo gaaraan magaalada Muqdisho maanta iyo beri.

Sida aan Wararka ku heleyno Madaxweynayaasha Maamulada dalka ka jira ayaa loo diray fariimo loogu sheegayo in ay deg deg ku yimaadaan magalaad Muqdisho si ay kulamo wadatashi ah ula qaataan Madaxda sare.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la filayaa in uu la kulmo Madaxda maamul goboleedyada dalka ka jira, waxaana looga arin san doonaa kulankan shirka la filayo bisha may uu ka dhaco magaalada London iyo Arimo kale oo muhiim ah.

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa dooneysa in shirkan uu ka duwaaado shirarkii hore oo kale oo Madaxda maamul goboleedyada si gaar ah loo casuumayay, waxaana dowlada ka go’an in shirka iyadu masuul ka noqoto hal ajandana goobta lala tago.

Madaxda maamul goboleedyada ayaana la filayaa in qaarkood maanta soo gaaraan magaalada Muqdisho halka kuwa kalana iyana ilaa beri la filayo in ay yimaadaan magaalada Muqdisho si ay ula kulmaan Madaxda dalka uu ugu sareeyo Farmaajo.

SOMALI NEWS

To Top