WARARKA SOOMAALI

Faah faahin: Shil khasaaro geystay oo ka dhacay Magaalada Hargeysa

Shil sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa xalay ka dhacay xaafadda Siinaay ee Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Maamulka Somaliland, kadib markii gaari nooca Booyada ah oo ku socday xawaare sare uu dhex-galay Maqaayad ku taalla xaafaddaas.

Dad goobjoogayaal ah ayaa waxaa ay sheegeen in darawalka waday gaariga weyn ee Booyada ahaa uu xakameyn waayey gaariga oo ku socday xawaare, isla markaana uu lugta la waayay bareega, kadibna uu ku fariin goostay Maqayaad ay dad fadhiyeen.

Inta la xaqiijiyey hal qof ayaa ku geeriyooday shilka, halka ay ku dhaawacmeen shan qof kale oo kamid ahaa dadkii fadhiyey maqaayada oo aheyd mid lagu shaah cabo, kuna taalla xaafadda Siinaay ee Magaalada Hargeysa, taasi oo ay dhallinyarada ku caweeyaan.

Dad goobta ka agdhawaa ayaa gurmad Deg-deg ah u fiyey dadkii waxyeelada dhaawaca kasoo gaaray shilkaas xalay dhacay, waxaana durbadii la geeyay Isbitaalka weyn ee Hargeysa oo haatan xaaladdood Caafimaad lagu dabiibayo.

Deegaanada Somaliland ayaa waxaa muddooyinkii dambe kusoo batay shilalka khasaaraha geysta, waxaana inta badan shilalka ka dhaca halkaasi loo sababeeyaa darawalada oo gaadiidka ku wada xawaare sare, xilliyada ay marayaan waddooyinka.

Faah faahin: Shil khasaaro geystay oo ka dhacay Magaalada Hargeysa
To Top