Saraakiil ka tirsan Booliiska dalka Kenya ayaa waxaa la sheegay inay si dirqi ah uga badbaadeen qarax miino oo lala eegtay xilli ay marayeen bartamaha waddada xeebta ah ee Lamu, sida ay shaaciyeen qaar kamid ah Warbaahinta Kenya.
Taliyaha Booliska gobolka xeebta ah Gabriel Musau, ayaa sheegay in gaari ay la socdeen koox gaar ah oo ka tirsan qeybta ilaalada xuduudaha (BPU) ay bartilmaameedsadeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab ee ku sugan deegaanka Nyangoro, ee Gobolka Lamu.
Musau wuxuu sheegay in kooxda weerarka soo qaaday ay baxsadeen waxyar kadib markii ay ku fashilmeen isku daygoodii ahaa inay gaariga ku dhuftaan iyagoo adeegsanaya walxaha qarxa.
Taliyaha booliska ayaa sheegay in aysan jirin wax dhaawac ah ama waxyeelo ah oo laga soo sheegay qaraxaasi uu ka dhashay.
“Khasaare lama soo sheegin. Way baxsadeen ka dib isku daygoodii waa uu dhicisoobay laakiin waan ku daba jirnaa,” ayuu Musau ku yiri.
Weli ma jirto cid sheegatay weerarka qaraxa ah ee lala beegsaday saraakiisha ka tirsan ciidamada Booliska Kenya, hayeeshee inta badan ayaa waxaa weerarada noocas ah mas’uuliyadooda sheegta Al-Shabaab.