Allah u naxariistee Yaasiin Axmed Sulub oo ahaa wasiirkii arimaha gudaha ee maamulkii Khaatumo ee madaxweyne Maxamed Yuusuf Jamac{Indhashel} ayaa ku geeriyoodey dalka Ethiopia gaar ahaan magaalada Diri-Dawa , marxuumka ayaan xanuun hore lagu ogeyn waxana haleeley mawtul qaflleh.
Yaasiin ayaa ka mid ahaa dadkii aasasay SSC ilaa Khaatumo, wuxuuna ahaa dadka ugu doorka fiican taariikhda halganka gobolada Khaatumo State .
Dhawaan ayaan idin soo gudbindoonaa taariikh nololeedkiisii wasiirka insha Allaah.