WARARKA SOOMAALI

Duqa Muqdisho oo shaaciyay arrin uu ka cabsanayo, kadib banaanbaxyadii shalay…

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamud (Filish) ayaa markii ugu horeysay ka hadlay banaanbixii rabshadaha watay ee ka dhacay shalay Magaaada Muqdisho ee looga horjeeday Madaxweyne Farmaajo.

Guddoomiye Cumar Filish ayaa ka digay in Gobolka Banaadir laga abuuro khalalaaso amni darro oo uu sheegay inaan loo dul-qaadan doonin, waxaana caddeeyay in banaanbaxa lagu arkay rag hubeysan oo maleeshiyaad ah.

“Dadkii shalay banaanbaxay waxaa ku jiray Maleeshiyaad hubeysan oo hub watay, kuwaasoo kasoo horjeeda Go’aankii dowladda Soomaaliya ay xiriirka ugu jartay Kenya” ayuu yiri Cumar Filish.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Cumar Max’uud Maxamed (Filish) ayaa sheegay wixii shalay ka dhacay degmooyin ka tirsan Muqdishio aan lagu tilmaami Karin banaanbax Nabadeed.

Isaga oo sii hadlaayay Cumar Finish ayaa waxaa uu sheegay inuu ka cabsi qabo in dadka doonaya inay banaanbaxyada dhigaan ay ku burburiyaan laamiyada laga dhigay Caasimadda dalka ee Muqdisho.

Si kastaba banaanbaxyo rabshado watay ayaa shalay ka dhacay degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir, waxaana qaar kamid ah dadkii dhigaayay banaanbaxa ay taayaro ku gubeen laamaiga.

SOMALI NEWS

To Top