Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Magalaada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar filish) ayaa Caawa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta Shariif Shiikh Axmed kulan xasaasi ah kula yeeshay Muqdisho.
Labada masuul ayaa kawada hadlay arrimaha doorashooyinka amniga Caasimada iyo qaboojinta Xasaradaha ka soo cusbooday Arrimaha doorashooyinka dalka sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay maamulka Gobolka Banaadir.
Sheekh Shariif ayaa ka mid ahaa xubnaha mucaaradka ee sida u weyn uga soo horjeeday Farmaajo, halka Cumar Filish lagu tiriyo ragga sida weyn ugu dhow Madaxweynaha dowladda Federaalka.
Arrintan ayaa ku soo aaday xili ay socdaan dedaalo Magaalada Muqdisho looga saarayo ciidamadii diidanaa muddo kororsiga oo dhufeyso ka qotay xaafadaha qaarkood kaasoo ay wadaan xubno ka tirsan dowladda yo Mucaaradka.