WARARKA SOOMAALI

Duqa Muqdisho oo booqday degaan uu ka dhacay dagaal xoogan

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa kormeer ku tagay deegaanka Jaziira ee duleedka Muqdisho halkaasi oo isku dhac uu ku dhex maray Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya iyo kooxo Halkaasi ka waday dhibaateynta Shacabka.

Duqa Muqdisho oo ay wehliyeen Saraakiil ka tirsan Ciidanka  Booliska, Nabadsugiddq  iyo Milatiriga Soomaaliya, ayaa waxa uu laamaha Amniga kaga Mahadceliyay sida ay uga dhiidhiyeen in deegaankaasi lagu dhibaateeyo shacabka oo dhac loogu geysto, isaga oo sheegay  in aan marnaba la aqbali doonin dhibaateynta Shacabka.

Gaba-gabadii Guddoomiyaha Gobolka ayaa ugu baaqay shacabka qeybahooda kala kala duwan in ay la shaqeeyaan Laamaha ammaanka ee deegaanka Jasiira, si looga guuleysto kooxaha u jooga dhibaateynta shacabka.

Deegaanka Jaziira ayaa waxaa dagaal kooban uu ku dhexmaray Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kooxo ka waday halkaas dhibaateynta Shacabka oo dadka u dalxiiska tegay deegaanka dhac u geysanayay.

SOMALI NEWS

To Top