WARARKA SOOMAALI

DSF oo beenisay in Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta ku kulmayaan DOOXA

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Cismaan Abuukar Dubbe oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa uu ku beeniyay warar la faafiyay ee sheegayay in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta ay ku kulmayaan Magaalada Dooxa.

Cismaan Dubbe ayaa sheegay in kiiskii Dacwada badda uu gacanta ugu jiro Maxkamadda Cadaalada Adduunka ee ICJ, isla markaana laga sugayo Go’aan Cadaalad ah, isagoona u mahadceliyay cid kasta oo shaqeneyso dib u soo celinta xiriirka labada dal.

“Cilaaqaadka labada waddan ee Soomaaliya iyo Kenya oo hore u xumaaday waxa hadda laga shaqaynayaa sidii loo wanaajin lahaa, waan u mahad-celinaynaa wadamada ka shaqeeyey isu soo dhowaan tan, laakiin xilligan waxba kama jiraan wararka la faafinayo ee sheegaya in labada Madaxweyne ee Soomaaliya iyo Kenya ay hadda kulmayaan kuna kulmayaan Doha/Qatar. Arrinka Badda Soomaaliyana wuxu ku jiraa gacanta Maxkamadda Caddaalada Adduunka ee ICJ, waxaana la wada sugayaa go’aanka Maxkamadda.  Soomaaliya Hanoolaato” ayuu yiri Wasiir Cismaan Dubbe.

Saacadihii lasoo dhaafay ayaa waxaa baraha Bulshada lagu faafiyay warar sheegayay in Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Kenya ay kulan ku yeelan doonaan Magaalada Dooxa ee Caasimadda dalka Qatar, hayeeshee warkaas ayaa la beeniyay.

SOMALI NEWS

To Top