WARARKA SOOMAALI

Dowladda Somalia oo u yeertay Safiirka u jooga Qatar & Xasan Sheekh oo ku wajahan…

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya ayaa u yeertay Safiirka dowladda Soomaaliya ee Qatar u jooga Amb. C/risaaq Faarax Cali Taano.

Warqad Wasaaradda Arrimaha Dibadda u dirtay dowladda Qatar ayaa waxaa dowladdaas lagu wargeliyay in Safiirka Soomaaliya ee Dooxa wadatashi loogu yeeray inuu u yimaado magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Sidoo kale Wasaaradda ayaa si KMG ah Sii-hayaya Safaaradda Soomaaliya ee Qatar ugu magacawday Ruun Saciid Qoorsheel, sida lagu shaaciyay Qoraal kasoo baxay Wasaaradda arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya

Isbedelkaan cusub ayaa waxaa uu kusoo aaday, iyada oo Maanta Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu safar ku tagayo magaalada Dooxa ee caasimadda Qatar, sida laga soo xigtay Ilo-wareedyo lagu kalsoonaan karo.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Dooxa kula kulmi doona Amiirka dalkaas Sheekh Tamiim bin Hamad Al-Thani, iyaga oo ka wada hadli doona arrimo ay kamid yihiin xoojinta xiriirka ka dhexeeyay labada dowladdooda iyo arrimo kale oo Iskaashi ah.

Dowladda Somalia oo u yeertay Safiirka u jooga Qatar & Xasan Sheekh oo ku wajahan…
To Top