WARARKA SOOMAALI

Dowladda Somalia oo xubin ka noqotay Golaha fulinta ee Baarlamaanka Afrika

Shirkii Xoghayeyaasha guud ee Baarlamaannadda dalalka Afrika oo ka dhacay intii u dhexeysay 29 – 31 Ogoosto ee xarunta Baarlamaanka Afrika ee magalada Johannesburg ayaa waxaa Soomaali kaga mid noqotay guddiga fulinta ururka xoghayaasha.

Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Cabdikarim Xaaji Cabdi Buux, ayaa loogu doortey xubin ka tirsan Guddiga fulinta ee ururka Xoghayeyaasha Afrika.

Xubin ka mid noqoshada golaha fulinta ee Baarlamaanka Afrika ayaa noqaneeysa markii ugu horeysey ee Soomaaliya Xilkaas loo doorto, waxaana xubin rasmi ah loo doortay Xoghaye Cabdikariin Buux.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa magaalada Johannesburg uga qeyb galay  shirweynaha 11-aad ee Guddoomiyeyaasha Baarlamaannadda Afrika.

Dowladda Somalia oo xubin ka noqotay Golaha fulinta ee Baarlamaanka Afrika
To Top