WARARKA SOOMAALI

Dowladda Somalia oo shaacisay Natiijada Imtixaankii shahaadiga ee Dugsiyada Sare

Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta shaacisay natiijada Imtixaanka shahaadiga ah ee dowladdu ay sanadkaan ka qaaday ardayda dhameysatay waxbarshada dugsiyada sare ee dalka.

Waxaa loo mdiiwaan geliyey inay imtixaanka gelayaan 34,469 oo ardayda,  balse waxaa u fariisatay 33,468 oo arday, sidaas waxaa uga haray imtixaanka oo aan gelin ama u fariisan 1,001 Arday.

Tirada baastay imtixaanka guud ee shahaadiga ee fasalka 12-aad sanad dugsiyeedkii tegay waa 32,325 arday oo u dhiganta 97%. Waxaa ku dhacay imtixaanka 1143 arday oo u dhiganta 3%.

1,100 ka mid ah ardayda ku dhacday imtixaanka dowladda waxay ku galeen Gobolka Banaadir, halka 43-da kale ay imtixaanka ku galeen gobollada kale ee dalka.

1 – Deegaanada Koonfur Galbeed 24 arday ayaa dhacday.

2 – Galmudug 7 arday ayaa dhacday.

3 – Jubbaland 6 arday ayaa dhacday.

4 – HirShabelle 6 arday ayaa dhacday.

Dowladda Somalia oo shaacisay Natiijada Imtixaankii shahaadiga ee Dugsiyada Sare
To Top