WARARKA SOOMAALI

DF oo shaacisay inay hawada ka saartay warbaahintii Online-ka ee Al-shabaab

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar Al-Cadaala ayaa shaaciyay in hawada laga saaray barihii ay Al-shabaab ku baahin jireen farriimaha iyo wararkooda.

“Ilaah mahaddiis, barihii ugu waawaynaa ee Khawaarijta ee Warbaahinta waa xiranyihiin, waana socdaa howlgalku, waana dhamaystiraysaa Dawladdu inta dhiman” ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukumadda.

Shirkadaha bixiya Internet-ka Soomaaliya ayaa toos loogu wargeliyey inay xayiri karaan oo mas’uuliyadi ka saaran tahay baraha ay Internet-ka Al-Shabaab ay ku baahiyaan filimadooda argagaxa leh.

Website-yo mudo dheer baahi jiray wararka la xiriira dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa hadda hawada laga saaray, kuwaas oo ay ku jiraan Somalimemo, Calamada iyo Alfurqaan.

Shalay ayey aheyd markii dowladda Federaalka Soomaaliya ku dhawaaqday inay mamnuucday baahinta wararka la xiriira Al-shabaab, iyagoona xusay inay bartilmaameedsan doonaan cid kasta oo baahisa wararka Al-shabaab.

DF oo shaacisay inay hawada ka saartay warbaahintii Online-ka ee Al-shabaab
To Top